Sawirro:-Taliye Kuxigeenkii Ciidanka Cirka Somalia oo lagu Aasay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta Aas qaran loogu sameeyay Taliye kuxigeenkii   Ciidamada Cirka Soomaliyeed General Maxamed Aadan Samater oo geeriyooday.

Waxaa lagu Aasay qabuuro ku yaalla Xerada Ciidamada Cirka ee Afisyooni ee Muqdisho,waxaana ka qeyb galay Saraakiil Ciidan oo ka tirsan dowladda oo ugu  horeeyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxdii ka qeybgashay Aaska qaran ayaa Alle uga baryay in uu General Maxamed Aadan Samater ka waraabiyo Janada Samir iyo Aiimaana Alle ka siiyo Eheladii,qaraabadi iyo Ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Allaha u naxariistee General Maxamed Aadan Samater ayaa ahaa Taliye kuxigeenkii  Ciidamada Cirka Soomaliyeed General Maxamed Aadan Samater,kaasi oo ku ggeriyooday Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media