Sawirro:-Taliyaha xoogga oo farriin u diray Ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiiragelin ah la qaatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo si mutadawacnimo ah ugu biiray Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan 14-ka October.

Ciidanka uu dhiiragalinta la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ahaa kuwo la baray Difaaca Dalka, iyagoona Mudo tababar Milatari ku qaatay xerada Tababarka General Gordan ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa dhalinyarada ka mid noqotay Ciidanka Xoogga Dalka ee u dhammaaday tababarka ugu mahadceliyay sida geesinimada leh ee ugu mid noqdeen Ciidamada Xoogga Dalka

General Daahir Aadan Cilmi waxa uu faray Ciidamada in ay si wadajir ah ugu qeyb qaataan Howlgalada ka socda gobolka Shabellada Hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa ammaanay sida geesinimada ah ay Ciidamada guutada 14-ka October ay Al-shabaab ugu saareen deegaanada Xeebta ah Sida Jilib-marko Gendarshe iyo Dhannaane

Ciidanka uu maanta kulanka dhiira galinta ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ah Ciidamo dhammeystay Tababar, iyagoona maanta loo qeybiyay agabkii ay ku howlgalin lahaayeen ciidankan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor