Sawirro:-Taliyaha xoogga oo booqday deegaano laga saaray Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya sareeyo Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa Maanta waxa uu kormeeray Saldhigyo Cusub ay Ciidamada xoogga dalka ka sameysteen deegano ka tirsan SH/dhexe.

“Waxaan Maanta Booqasho kormeer ah aan ku tagay Fariisimo cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliya ay ka sameesteen Tuulada Geed Timir ee Gobolka Shabellaha Dhaxe.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada,isaga oo ku dhiirageliyay dfaaca dalkooda.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa taliyaha xoogga dalka waxa uu waday kormeero kala duwan,waxana dhawaan uu booqda deegaano ku teedsan Xeebta ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor