Waxaa Maanta xilalkii sirasmi ah ula wareegay Taliyaha cusub ee ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gashaanle Odowaa Yuusuf Raage iyo Abaadulaha Ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada Laba Xidigle Dayax Abdi Cabdulle.
Taliyaha cusub ee ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada ayaa bedelay Gen. Axmed Maxamed Cali Afcadeey kaas oo lagu eedeeyey in uu ka dhega adeegay ammarkii aha in hubka dhigis lagu sameeyo ciidamadii Ilaalada u ahaa markii ay shaqaaqada ka dhaceysay Xarunta Golalaha Shacabka Arbacadii gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Musaabada xil wareejinta ayaa waxaa Goob jog ka ahaa Saraakiisha ugu sareeysa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Abaan duulaah Ciidamada Cabdullaahi Cali Caanood iyo masuuliyiin kale.
Hoos Ka Daawo Sawirada Xil Warejinta.