Sawirro:-Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Muqdisho ka sagootiyay Saraakiil Tababar qaas ah loo qaaday

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka Sagootiyay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno Tababar kusoo qaadanayo Dalka Dibadiisa.

Saraakiishaan iyo Askartaan ayaa in Muddo ah tababaro kala duwan ku qaatay Gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo warbaahinta kula Hadlay Gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Saraakiishaan iyo Askartaan ay soo qaadanayaan Tababar qaas ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe  ayaa u mahadceliyay Dowladaha  Soomaaliya ka taageera dhanka Tababarada Ciidamada Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media