Sawirro:-Taliyaha Booliska oo kormeeray Ciidamo u diyaar garoobaya Howlgalo amni

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed ayaa kormeerey qeyb Ka mid ah Ciidanka Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed,kuwaasi u diyaar garoobaya howlgal amni sugis ah.

Ciidanka Booliska ee Kormeerka ugu tegay Taliye Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxaa ay u diyaar garoobayan Howlgalo lagu sugaayo Amaanka  Gobolka Banaadir iyo deegaano badan oo ku yaalla Gobolada dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa ku adkeeyay Ciidanka in ay u istaagaan Ilaalinta Maalka iyo nafta Umadda Soomaaliyeed oo ah Waajibka Koowaad ee CIidanka Booliiska Soomaaliyeed .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media