Sawirro:- Taliyaha Booliiska iyo Xaliimo Yareey oo ka shiray amniga doorashooyinka

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya S/Gaas;- Cabdi Xasan Maxamed Maanta oo ay taariiqdu tahay 06/Jan/2020, Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaran Marwo Xaliimo Ismaaciil Xaliimo (Yareey),Waxaana kulankaas looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira ammaanka dalka iyo doorashooyinka.

Gudoomiyaha iyo Taliyaha ayaa Maanta yeeshay kulankoodii isbarasho, sidoo kalana ka wadahadlay sidii loo xoojin lahaa, isla markaana loo adkeyn lahaa Amniga Doorashooyinka Qaranka, bacdamaa Taliyaha Ciidanku yahay Gudoomiyaha Guddiga Amniga ee Doorashooyinka Qaranka.

Maalmihii la soo dhaafay xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa kuamo kala duwan la eelanayay dhammaan hay’adaha ay qusayso arrimaha doorashooyinka sida aha’adaha ammaanka iyo Siyaasiyiinta si doorashada amnigeeda loo sugo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media