Sawirro:-Taliska Booliska Somalia iyo Gobolka Banaadir oo bur buriyay Khamri Dekada lagu qabtay

 

Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta soo bandhigay kadibna burburiyay Kuntineer Khamri ah ku qabtay Dekada weyn ee Magalada Muqdisho.

Khamrigaan ayaa gaarayay 905 kartoon,iyada oo isla Maanta bur buriyay.

Goobta lagu bur burinayya Khamrigaas ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti Iyo Agaasimaha Caafimaadka Dowladda Hoose.

Sidoo  kale Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa lagu qabtay Khamri kale oo lagu soo dhex qariyay Boorsooyin saarnaa diyaarad,kaas oo ka mid ahaa Khamrigii Maanta la burburiyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor