In ka badan 30 Tahriibayaal Afrikaan ah ayaa shalay ku geeriyootay Dooni ku degtay meel ka baxsan Xeebaha Galbeedka Libya.
Afhayeenka Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalkaasi, Kolonel Abu Ajila Cabdul-baari ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 200 oo Tahriibayaal ah, kuwaasi oo ay Doonidii ay ku socdaalayeen kula degtay meel ka baxsan Xeebta Degmadda GARABULLI oo 60-KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda  Tripoli.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Ilaaladu heleen 30 mayd iyo 60 ka badbnaday Doonida 1-aad ee degtay, halka la soo badbadaaiyey dhamaan 140 Tahriibe ee la socday Doonidii 2-aad ee ay u gurmadaan.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Badda Libya, Ayuub Qaasim oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AFP ayaa sheegay in maydadka la helay ay ku jireen 18 haween iyo 3 carruur ah.
Waxa kale oo uu sheegay in weli la la’ yahay 40-Tahriibayaal oo la socday Doonidii ku degtay Xeebaha dalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Tahriibayaashii shalay la soo badbaadiyey ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan Tahriibayaasha la soo badbaadiyey waxay ka soo kala jeedaan Somalia, Ghana, Ethiopia, Nigeria iyo 4 u dhalatay Pakistan..