Dad tirdaooda lagu qiyasaay Lixdameeyo ayaa waxay shalay isugu tageen Barxad ku taalla Caasimadda dalkaasi ee Ottawa, si ay xusuus ugu sameeyaan Marxuum la oran jirey C/raxmaan Cabdi oo la dilay muddo haatan laga joogo 3-sanno.
Isku-soo-baxaasi Xusuusta waxaa soo qabanqaabiyey Isbahaysiga Caddaalad-u-doonka Marxuumkaasi, waxana Munaasabadaasi ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Jaalliyadda Somali-Canadian, Wakiilo ka kala socday Kooxaha Diimaha, iyo Jeff Leiper oo ahLa-taliyaha Degmadda Kitchissippi Ward oo ku taalla Galbeedka Faras-magaallaha Ottawa.
La-taliye Jeff Leiper oo la dhigay dadkii isku soo baxay, waxa uu sheegay in geeridii Marxuumkaasi ahayn mid caddaalad-darro ah, maadaama uu ahaa Nin ka xanuunsanaa Dhimirka.
Dahabo Axmed Cumar oo ah Afhayeenadda Isbahaysiga Caddaala-u-doonka Marxuumka, kana tirsan xubnaha Jaalliyadda Somali-Canadian-ka ku nool caasimadda dalkaasi ee Ottawa oo ka hadashay Isku-soo-baxa ayaa sheegtay inay dacwadda Kiiskaasi adkaan doonto isla marka ay Maxkamadda dib u bilowday xilliga dayrta ee soo socota, loona baahan yahay in loo midoobo sidii uu Marxuumka u heli lahaa Caddaalad dhab ah.
Marxuumka, C/raxmaan Cabdi oo ahaa Somali-Canadian 37-jir ahaa lana halgamayey xanuun dhinaca Dhimirka waxa uu geeriyooday bishii July 24-dii ee sannadkii 2016-kii,xilli ay Bolis ku baacsanayeen Xaafadda Hintonburg ee ka tirsan magaalladda Ottawa.
Askari lagu magacaabo Dable Daniel Montsion ayaana haatan u xiran falkii lagu dilay Marxuumka, isagoo ku eedeysan jir-dilka iyo dilkii Marxuumka
Goobjoogayaal waxay caddeeyeen inuu Askariga garaacay tiro badan muddadii la qabanayey, taasi oo sababtay inuu Marxuumku u geeriyoodo.