Sawirro:-Somaliya iyo turkiga oo isku raacay in laga hortago dadka ku safra dukumintiyada been abuurka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Mohamed Adam Kofi ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaliya Olgan Bekar.

Kulankan ay yeesheen Safiirka iyo agaasimaha ayaa waxa ay kaga wadahadleen in la iskakaashado arrimaha Socdaalka la xariira, isdhaafsiga qibradaha iyo tababarada iyo in muwadiniinta labada dal loo fududeeyo sidii ay ku heli lahayeen Dal-ku galka (visa)

Ugu dambeyn labada masuul ayaa ka wadahadlay in si wadajir ah looga wada hortago dadka sida sharci darada ah ugu safraya dukumintiyada been abuurka ah iyo arrimaha la xariira Tahriibka oo ay dad Soomali ah oo badan Turkiga uga sii tahriibaan Gariiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor