Sawirro:-Somalia iyo Switzerland oo ka wada hadlay Arrimaha socdaalka

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Jinsiyadaha Soomaaliya  Col. Maxamed Adam Koofi oo maalmahaan ku sugnaa dalka Switzerland ayaa kulamo la qaatey masuuliyiinta Laanta Socdaalka, Booliiska iyo wasaaradda arimaha dibadda Switzerland.

Kulamada ayaa looga hadley iskaashi ay labada dal ka yeeshaan arimaha socdaalka iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqasho aqoon kororsi ah ku tagey xaruumaha Laanta Socdaalka, Xaruunta Xaqiijinta Dukumentiyada Safarka, Taliska Booliiska, Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Garoonka Diyaaradaha Geneve.

Agaasimaha Guud iyo wifdigiisa ayaa sidoo kale kulan la qaatey masuuliyiin ka tirsan Ergada Soomaaliya u jooga dalka Switzerland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media