Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Maanta gaaray Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay, sida lagu arkayey Sawirrada.
Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ku-xigeenkiisa Daba-geed, mas’uuliyiin, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.
Intaas kadib ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loo galbiyey dhinaca Xarunta Madaxtyooyada, isagoona marka hore ka mahadceliyey soo dhaweynta ballaaran ee Maanta loogu sameeyay Magaalada Baladweyne.
Ujeedka safarka Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira u kuurgelidda xaaladda abaaraha iyo dhiirigelinta ciidamada qalabka sida ee la dagaallamaya Al-shabaab, sida lagu sheegay Qoraal kooban lagu daabacay bogga Warfaafinta Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baladweyne waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaaladaas, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.
Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku tegay maamul Goboleed tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.