Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa goordhow lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Shirkan oo muddo saddex cisho ah soconaya waxaa daah furaya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Waxaa shirkan ka qaybgelaya Guddiyada dib u eegista Dastuurka ee Golaha shacabka iyo aqalka sare,xubno ka socda xukuumadda iyo daneeyayaal kale oo arrimaha dastuurka ku taqasusay.
Qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in aysan ka qeybgaleyn shirka Dastuurka ee ka furmaya maanta Magaalada Muqdisho iyaga oo sheegaya qaarkood in aan lagala tashay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada diyaar garowga Shirweynaha Arrimaha Dastuurka.