Sawirro:- Shirka golaha Wasiirada Somaliland oo looga hadlay Amniga iyo arrimo kale

Kal-fadhigii 44-aad ee golaha wasiirrada Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  kuna wehelinaayey madaxweyn-k-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta lagu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta, waxaana warbixin lagaga dhegeystay xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Ugu horrayn waxa golaha warbixin la xidhiidha amniga dalka ka jeediyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo ku dheeraaday xaaladda guud ee nabadgelyada dalka.

Sidoo kale, waxa goluhu dood dheer iyo falanqayn ka yeesheen wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer Lr.31-2004 oo mar kale loo ballamay ansixintiisa.

Waxaanu goluhu ansixiyey siyaasadda qaran ee shaqo carbinta oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.

Ugu danbayn waxa golaha lagu soo bandhigay hirgelinta nidaamka wax wada lahaanshaha dawladda iyo shacabka (public private partnership) “PPP”, waxaanu goluhu u saaray guddi soo diyaarisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media