Sawirro:-Shirka Caalamiga ee Iskaashiga Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa Goordhow ka furmay Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo markii u horeysay lagu qabanayo dalka, Iyadoona amaanka Magaalada aad loo adkeeyey.

Shirkaan ayaa lagu qaban jiray dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Yurub, dalalka lagu soo qabtay waxaa kamid ah Ingariiska, Belgium-ka iyo kuwo kale.

Shirkan ayaa waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khatar,iyadoo ay hareerihiisa fadhiyaan Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo kan Midowga Afrika.

Waxaa ka qeyb galay in ka badan 50 Dowladood oo Reer Galbeed ah kuwaas oo daneeya arrimaha Soomaaliya, Shirkaan ayaa Mudnaan gaar ah u leh Soomaaliya.

Markii u horeysay ayaa shirkan lagu qabanayao Muqdisho taas oo kamid ah waxyaabaha badan oo Wasaaradda Arrimaha dibada dalka ku guuleysatay.

Ammaanka guud ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,isla markaana waxaa la xiray inta badan waddooyinka Muhiimka ah eek u yaalla Caasimadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media