Sawirro:-Shir looga hadlayo hanaanka Maaliyadeed ee Federaalka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay kulan shaqo oo ay si wadajir ah u wada qabanayaan Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha, kaasoo ku saabsan hannaanka maaliyadeed ee Federaalka iyada la waafajinayo dib-u-eegista Dastuurka.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Hantidhowrka Guud ee Qaranka, Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Dastuurka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay ujeeddada shirka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

“Sidaa ogtihiin waxaa dalka ka socda Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka waxaana naga go’an in wax walba oo quseeya Dastuurka oo ay kamid tahay Xulushada Hannaanka Maaliyadda Federaalka si qoto dheer looga doodo” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhankiisa sheegay in Wasaaradiisu ka go’antahay inay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka kala shaqeyso arrimaha dib-u-eegista Dastuurka ee quseeya arrimaha Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Avv. Mahdi Maxamed Guuleed oo shirka furay ayaa yiri “Waxaan ku bogaadinaya Wasaaradda Arrimaha Dastuurka sida wanaagsan ee ay uga shaqeyneyso arrimaha dib-u-eegista Dastuurka, waxaan aqoonyahanada ka soo qeybgalay shirkan kula dardaarmayaa inay maskaxdooda tuujiyaan oo aad soo saartaan xulashooyin wax ku ool ah oo quseeya Hannaanka Maaliyaadda Federaalka”.

Ugu dambayn, shirkan oo socon doona muddo seddex maalin ah oo ay ku kulmeen madax katirsan DFS iyo aqoonyahanno ku xeeldheer arrimaha maaliyadda ayaa marka uu dhamaado laga soo saari doonaa xulashooyin ku saabsan sidii loo federaaleyn lahaa hannaanka maaliyadda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor