Sawirro:- Shir looga hadlayay arrimaha Beeraha oo lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo Shalay Muqdisho ka furtay Shirka wadatashiga horumarinta siyaasadda iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in Maanta lasoo gaba-gabeeyo.

Shirka oo laba Maalmood soconayay ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeraha, xubno ka socday iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed iyo qubaro ku xeel dheer dhanka Beeraha.

Kulanka  ayaa lagu falanqeeyay  u jeeddada laga leeyahay dejinta siyaasadda lagu horumarinayo iskaashatada Beeraleyda Soomaaliyeed, iyadoo dhinaca kale ay ka qeyb galayaashu is weydaarsadeyn doodo iyo fikrado ku saabsan wax ka beddalka iyo wax ku daridda sharcigan, xoojinta wada shaqeynta iyo horumarinta wax soo saarka Dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Soomaaliya mudane; Xaamud Cali Xasan oo shirka daahfuray ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Wasaaradda Beeraha iyo iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaliyeed oo uu tilmaamay in ay Dalka muhiim u yihiin.

Maxamuud Abiikar, oo ku hadlay Magaca iskaashatooyinka Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay sharcigan aqrin doonaan isla markaana ay u kuurgeli doonaan waxyaabaha wax ka beddalka u baahan iyo hadii ay jiraan qodobbo lagu daro  sharcigan.

Professor; Yaxye Yuusuf Xaaji, oo ah qoraaga sharcigan ayaa sheegay in siyaasadda iskaashatada Beeraleyda Soomaaliyeed ay faa’iido weyn u  leedahay Dalka maadaama ay muhiim u tahay wax soo saarka Beeraha iyo in la gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media