Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir lagu qabtay Muqdisho oo ay isugu yimaadeen hay’adaha amniga dalka iyo mas’uuliyiin ka socota dowlahada iyo hay’adaha heer caalami ee dowladda ka taageera dhanka amniga.
Shirka Amniga ee dhex maray hay’adaha amniga dalka iyo dhinacyada Soomaaliya ka taageera amniga ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay gargaaridda dadka ku nool deegaannada Shabaabka laga saaray iyo in deegaannada la gaarsiiyo adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay qorshe ciidamo booliis ah lagu gaynayo deegannada ciidanka xoogga dalku kala wareegeen dagaalamayaasha Al-shabaab.