Sawirro:-Shil sababay khasaaro oo ka dhacay Buuhoodle

Shil gaari oo sababay Khasaaro dhaawac ah ayaa ka dhacay Magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn,kadib markii sida la sheegay ay isku dhaceen laba gaari.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo kala ahaa Land Cruiser oo kusii jeeday Laascaanood iyo mid Noah ah oo qaad siday,waxaana ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah.

Aadam Jaamac Oogle oo kamid ah dadkii saarnaa mid kamid ah gaadiidka shilka galay ayaa waxa uu yiri “Ilaahay ayaa mahad leh oo aan wax yeelin siddeed qof oo aan labada gaari ku kala saarnayn, marka la ga reebo dhaawacyo fuddud oo jidhka ah iyo kuwo dhanka dareenka ah,waxaan dib ugu noqonay Buuhoodle”.

Inta badan Shilalka noocaan oo kale ayaa waxaa sababab gaadiidka qaadka sida oo ku socda Xawaare sare,isla markaana wadooyinka dhinac uga baxa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media