Sawirro:-Shil sababay Dhimasho oo ka dhacay Muqdisho

Shil Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa la sheegayaa in uu geystay Khasaaro dhimasho ah.

Shilkan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen  Mooto bajaaj ay sarnaayeen Gabdho iyo gaari nooca raaxad ah,waxaana uu ka dhacay Shilka kawaanka xoola qalka wadada aada dhinaca Xaafada Daaru Salaam ee Muqdisho.

Dad goobjoogayal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen Shilka ay ku dhinteen laba gabdhood Mooto Bajajta gaariga ku dhacday saarnaa,halka dhaawac fudud uu soo gaaray Darawalkii waday Gaariga raaxada ah.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray dadka deegaanka kuwaas oo gurmad u sameeyay dadkii ku waxyeelobay shilkaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor