Sawirro:-Sheekh Shariif oo la kulmay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed  ayaa xalay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulamo gooni gooni ah kula qaatay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa kulamada uu la qaatay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ku wehlinaayay Xildhibaanada labada Golle ee Baalamaanka ee ku  jira xisbiga Himilo Qaran,waxaana looga hadlay arrimo kala duwan.

“Waxaan si guud uga wada hadalnay xaaladda guud ee dalka, innaga oo si gaar ah diiradda u saarnay taageerista xisbiyada iyo dhismahooda, nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020/2021 iyo khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulada dalka”ayuu yiri Sheekh Shariif oo la kulmay Guddoomiye Mursal.

Dhinaca kale kulankii uu la qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare ee dalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay  xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka,isla markaana waxaa kulanka si gaar ah diirada lagu saaray  Khilaafka labada Golle iyo sida xal looga gaari karo, dhamaystirka dastuurka KMG ee dalka.

Sdioo kale  labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay  arrimaha Doorashooyinka 2020/2021 dalka ka dhacaya iyo sidii ay u noqon lahaayeen kuwa xor ah oo xalaal ah, dhismaha xisbiyada iyo dhiiragalintooda iyo ugu dambeyntii xalinta khilaafka ka dhex taagan dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa tan iyo markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulamo gooni gooni ah la qaadanayay Mas’uuliyiin kala duwan oo dalka  ku sugan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media