Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada Hose.
Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo qaar ka tirsan labada Golle ee Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda Magalada Kismaayo.
Madaxweyne Shariif Xasan oo ay wehliyaan xubno uu ka mid yahay Wasiirka dastuurka Koonfur Galbeed Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa waxa ay ka qeyb geli doonaan shirka Gollaha iskaashigga dowlad goboleedyada dalka ee Maanta ka furmaya Kismaayo.