Sawirro:-Shariif Xasan oo kulankiisii ugu dambeeyay la qaatay Golaha Wasiirada KGS

Golaha Wasiirada Dowladda KGS ayaa shirkooda caadiga ahaa ku yeeshay howlka shirarka Wasiirada ee Madaxtooyada KGS ee Magaalada Baydhabo.

Kulanka waxaa  shirguddoominayay sii-hayaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabduqaadir Shariif Sheekhuna, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynihii hore ee  KGS Mudane. Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shirka ayaa inta badan looga Hadlay sagootinta Madaxweyihii hore Koonfur Galbeed  iyo dejinta Shacabka ee u dheg taagaya xaalada doorashada Madaxweynaha.

Ugu dambeyn sii-hayaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Mudane. C/qaadir Shariif Sheekhuna ayaa yiri “gorgortan kama gali doonto wax walbo oo shacabka iyo deegaanada KGS dhib u keenaya ee shacabka ha isdejiyaan”.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor