Sawirro:-Shabaab oo soo bandhigay Ciidamo ay sheegeen inay ka goosteen dowladda Somaaliya

Al-Shabaab ayaa degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud waxa ay ku soo bandhigeen Ciidamo iyo hubkooda,kuwaas oo ay sheegeen inay kasoo goosteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaan ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa gaaraya ilaa 5 askari,kuwaas oo wata 5 Qori oo  AK47 ah,waxaana Shabaab ay sheegeen inay ka howlgeli jireen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Sida lagu daabacay Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa waxaa Goobta lagu soo bandhigaya askartaas la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku sugnaa Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Shabaab ma sheegin Magacyada askarta ay sheegeen inay ka goosteen dowladda,isla markaana isku dhiibay,waxaana sidoo kale weli ka hadlin saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor