Sawirro:-Sarkaal u dhashay Uganda oo mar kale Xil Sare looga dhiibay Howlgalka AMISOM

Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Jeneral Jeemis Nakibus Lakaara ayaa waxa uu si rasmi ahaan ula wareegay Xilka Cusub ee Ku-xigeenka Taliyaha Ciiddanka AMISOM ugu qaabilsan Hawlgalladda iyo Qorshooyinka.

Waxa uu Xilkaasi kala wareegay Jeneral Jaarles Tay Gituay oo isagu dhamaystay Xilli-hawleedkiisa halka sanno ahaa.

Waa markii 2-aad ee  uu Jeneral Jeemis Nakibus Lakaara xil sare ka qabto Hawlgalka AMISOM, wuxuuna horey u soo noqday Taliye-xigeenka Ciiddanka AMISOM ee  Loojistikada iyo Taageeradda muddadii u dhexeysay bishii Julaay ee sannadkii 2015-kii ilaa bishii October ee sannadkii 2016-kii.

Dhinaca kale,  ka hor inta aan Jeneral Jeemis Nakibus Lakaara haatan loo magacaabin Xilka Cusub waxaa uu ahaa Taliyaha Xarunta awood-siinta Daad-gureynta Ciiddanka Uganda ee degdegga u hawl-gala (URDCC) ee magaalladda Jinja ee dalka Uganda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media