Sawirro:-Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu soo bandhigay Gobolka Gedo

12-kii Bishan Novembar ayay ahayd markii uu isku soo dhiibay Cabdinuur Macalin Xasan oo ka mid ahaa Saraakiisha Al shabaab Ciidamada Nabad-Sugida Dowlad Gobaleedka Jubbaland iyo Saraakiisha Guutada 10-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobalka Gedo.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Saraakiisha Ciidamada Nabad sugida Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee Degmada Baardheere ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay Cabdinuur Macalin Xasan oo dhawaan isku soo dhiibay Dowlada Soomaaliya.

Cabdinuur Macalin Xasan ayaa ka mid ahaa Saraakiishii l-Shabaab u qaabilsanaa Deegaanada Gobalka Gedo balse markii Dambe ka howlgali jiray Deegaanada Koofur galbeed Soomaaliya.

Taliye kuxigeenka Nabad sugida Jubaland ee Baardheere Ahmed Maxamed Cabdulaahi Garab Gooye oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wali furan tahay cafiskii Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee uu u fidiyay Dhalinyarada weli ka tirsan Al-Shabaab.

Cabdinuur Macalin Xasan Waxaa uu dhankiisa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-Shaabab islamarkaana uu ka shaqayn doono hormarka Dalkiisa hooyo sidoo kale waxa uu baaq u diray dhalinyarada ka tirsan Al shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media