Sawirro:-Safiirka Somalia u Magacaawday Itoobiya oo Warqadaha Aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Ethiopia Mudane Cali Shariif Ahmed ayaa maanty oo Taariikhdu tahay 27 December 2018 u gudbiyey Warqada magacaabista (Accreditation Letter) isla markaana ka Guddoomay Madaxweynaha Ethiopia Sahle-Work Zewde.

Safiirka ayaa Madaxweynaha Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweynaha Ethiopia Marwo Sahle-Work Zewde ayaa Safiirka ka gudoontay warqada magacaabista, waxayna ka tacsiyeysay dadkii wax-ku-yeeloobay qaraxii ka dhacay Caasimada dalka ee Muqdisho taariiqdu markay ahayd 22 December 2018.

Madaxweynaha ayaa xustay ahmiyada xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor