Sawirro:-Saddex ruux oo ku geeriyootay duleedka Jowhar

Dhimashada Saddexdaan ruux iyo dhaawaca kuwo kale ayaa timid kadib markii Shil Gaari uu gelinkii Dambe ee Maanta uu ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shilkaan ayaa ka dhacay deegaanka lagu Magacaabo Garaashka oo 4km koonfur ka xiga Magaalada Jowhar waxaana la sheegay in dadka dhintay laba ka mid ah ay haween yihiin.

Gaari NOAH oo ku sii jeeday Magaalada Jowhar iyo Mooto Bajaaj ka timid ayaa isku dhacay,waxaana shilkaas inta la xaqiijiyay ku geeriyootay ilaa Saddex ruux halka afar kale ay ku dhaawacmeen.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Jowhar oo uu ugu horeeyo taliyaha Saldhiga degmada iyo masuuliyiin kale ayaa gurmad u sameeyay dadkii uu dhaawaca ka soo gaaray shilkaas halka meydkiina ay soo qaadeen.

 

Hoos Ka Daawo Sawirrada Shilka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media