Sawirro:-Sacuudiga iyo Eritrea oo ka wada hadlay Xaalladda Somalia iyo Mandiqadda Geeska Afrika

Kadib, markii ay Dalalka Ethiopia iyo Eritrea ku heshiiyeen Dib-u-soo-celinta Xiriirkooda ayaa waxa ay taasi dhabaha u furtay in Madaxweynaha Eritrea, Issaia Afewerki sii ambaqaado Dadaalka uu ku doonayo inuu ku hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay dalalka Khaliijka iyo kuwa Gobalka.

Warbaahinta Sacuudiga waxay sheegtay inuu Madaxweynaha Eritrea booqasho rasmi ah shalay ku tegay Sacuudiga, wuxuuna xalay Boqor Salmaan Bin C/casiis Al-sacuud Kulan kula yeeshay magaalladda Jidda ee kaabiga ku haysa Badda Cas, kuna taalla Galbeedka Sacuudiga.

Labada Hoggaamiye ayaa la sheegay inay ka wada xaajoodeen sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Labada Waddan, waxayna Dib-u-eegis ku sameeyeen Xaalladihii ugu dambeeyey ee Khaliijka, Somalia, Jabuuti iyo Mandiqadda Geeska Afrika.

Kulankaasi waxaa Madaxweynaha Eritrea ku wehliyey Wasiirkiisa Arrimaha Dibedda. Osman Salah Mohamed, La-taliyihiisa Khaaska, Yemani Ferbib iyo  Amiin Xasan oo ah Agaasimaha Xafiiska Madaxweynaha Eritrea.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor