Sawirro:-RW kuxigeenka dalka oo ka qeyb galay xuska Maalinta J/Talyaaniga oo lagu qabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane; Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Magaalada Muqdisho  uga qayb galay xaflad lagu maamuusayay Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga.

Munaasabadda oo lagu maamuusay Maalinta Jamhuuriyadda Talyaaniga oo ku beegan June 2, ayaa waxaa goob joog ka ahaa safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr. Carlo Campanile, mas’uuliyiin badan oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Safiirrada Dalalka caalamka ka jooga Dalkeenna.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa Dowladda Talyaaniga ugu hambalyeeyay xuska Maalintan, wuxuuna sheegay in Talyaaniga iyo Soomaaliya ay leeyihiin xariir xooggan oo soo jireen ah.

Laga soo billaabo 1946, Sannad kasta ayaa Dalka Talyaaniga iyo Safaaradaha uu caalamka ku leeyahay waxaa laga wayneeyaa 2-da Bisha June oo ah Maalintii Talyaanigu uu ka guuray Boqortooyada ee uu isu beddelay Jamhuuriyad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media