Sawirro:-RW ku-xigeenka Dalka oo la kulmay Qaar kamid ah Wasiirrada Boqortooyada Sucuudiga

Ra’iisul Wasaare  ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirrada maaliyadda iyo xannaanada xoolaha, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta magaalada Riyaad kula kulmay qaar kamid ah wasiirrada Boqortooyada dalka Sucuudi Carabiya oo Bahwadaag ganacsi iyo dhaqaale la ah Soomaaliya.

Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee kulamada uu la qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo kala ah wasiirka arrimaha dibada, wasiir ku-xigeenka maaliyada iyo sii hayaha wasiirka ganacsiga, iyo ku-xigeenka madaxa Sanduuqa Horumarinta Sucuudiga, ayay ka doodeen xariirka isku tolan ee labada dawladood.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa wasiirka arrimaha dibadda Boqortooyada Sucuudiga, Dr. Ibrahim bin Abdul Aziz Al-Assaf, kala hadlay is-bedelka ballaaran ee ka socda dalka iyo xoojinta xariirka walaaltinnimo ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo wasiirrada kale ayaa ku-xigeenka wasiirka maaliyadda ee sucuudiga, Dr. Hamad bin Suleiman Al-Bazai kala hadlay qorshaha dib-u-qaabaynta dhaqaale ee Soomaaliya, iyaga oo sidoo kale ku-simaha wasiirka ganacsiga kala hadlay adkaynta xariirka ganacsi ee taariikhiga ah ee Sucuudiga iyo Soomaaliya.

Himilooyinka tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa waxaa qayb in la abuuro jawi ganacsiga ku wanaagsan gaar ahaan dhanka maalgashiga, Dhiirri gelinta ganacsida iyo maal-gelinta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media