Sawirro:-RW Kheyre oo soo xiray shirka Rugta Ganacsiga Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo xiray shir rugaha Ganacsiga dalka laba maalin uga socday magaalada Garowe.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda xiritaanka shirka ka sheegay in dawladdu si dhaw ula shaqanyso ganacsatada ayna bogaadinayso dowrkooda ku aadan horumarinta, ganacsiga, dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ganacsatada iyo hoggaanka rugaha ganacsigu in ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya si horumarin loogu sameeyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Arrimaha ay shirkooda uga hadleen rugaha ganacsiga dalka, ayaa waxaa kamid ahaa suuq geynta wax–soo–saarka dalka, iyo sidii shirkadaha Soomaaliyeed uga qayb geli lahaayeen carwooyinka iyo bandhigyada lagu qabto suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media