Shirka Tubta Gobolka Banaadir, oo uu maanta kasoo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa waxaa loogu hadlay Horumaradda ka socda Caasimadda.
Dib-u-dhiska xarumaha Dowladda Hoose, Wadooyinka, Xarumaha Degmooyinka, Bulaacadaha, dhismooyinka Xarumaha Degmooyinka iyo Naleynta Caasimadda oo intaba qeyb ka ah bilic soo celinta Magaalada ayaa shirka loogu hadlay.
Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Abdirahman Omar Osman (Eng. Yariisow), Kuxigeenadiisa iyo dhamaan Agaasimeyaasha D/H/X ayaa ku wada sugnaa shirka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Maamulka Gobolka iyo Howlwadeenada kula dar-daarmay in ay sii laba jibaaraan Howlaha ay shacabka u hayaan.