Sawirro:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo shir uga qeyb galay Dalka Jabuuti

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guulled (Khadar) ayaa maanta dalka walaalaha aanu nahay ee Jabuuti uga qayb gelay madasha sannadlaha ah ee machadka daraasaadka siyaasadda Heritage.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed,ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo shirka ku metelayay dawladda Soomaaliya ayaa madashana ka jeediyay khudbad uu uga hadlay isbedelka gobalka geeska Afrika iyo dawrka ay ku leedahay dawladda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay iney nabad iyo xasillooni kula noolaato dalalka deriska ah.

“ Soomaaliya waxay baahan tahay nabad iyo nolol,Soomaaliya waxay baahan tahay iney nabad kula noolaato jaarkeeda,isbedelka Geeska Afrika ka dhacay Soomaaliya waxay uga faa’ideysaneysaa xagga dhaqaalaha,amni iyo xasillooni siyaasadeed iyo in Soomaaliya iyo Itoobiya nabad ku wada noolaadan,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in shirkan oo socon doono mudo saddex cisho ah rajeynayo iney ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo wax weyn u tara Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media