Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay ku booqday Hooygiisa Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uga warbixiyay Xaaladda guud ee Dalka iyo guulaha lagu talaabsaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah u sameysay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo wafdi wasiirro ah oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga XFS ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor