Goordhow waxaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Madaxtooyada ka furmay shir deg deg ah oo looga hadlayo xaalada iyo dhibaatooyinka kas oo cusboonaaday Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Badi dadkii ku noolaa Baladweyne ayaa barakacay akdib markii guryahoodii ay biyo ugu soo galeyn,biyahaas oo saameeyey dhammaan noloshii Bulshada Magalada Baladweyne.
Kulanka ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare kheyre,waxana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar,Xilhibaano ka tirsan golaha Shacabka iyo sidoo kale masuuliyiin ka socota Guddiga Musiibooyinka qaranka,Hey’adda qaxootiga qaranka, Hey’adaha maxaliga ah, Ganacsatada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Kulanka ayaa waxaa lagu gorfeynayaa sidii loogu gurman lahaa dadka biyaha ay barakiciyeen ee Magalada Baladweyne.
Hoos Ka Daawo Sawirarda kulanka.