Sawirro:-Qorsho lagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka oo bilaawday & Injineero booqday

Ingineero ka socda Dowladda Shiinaha ayaa Maanta kormeer qiimeyn ah waxa ay ku tageen Xarunta Murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka oo ku bur buray dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalkan.

Xubno ka socday Wasaaradda Howlaha guud,Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Maareeyaha Guud ee ee Tiyaatarka Qaranka aya qeyb ka ahaa kormeerkaasi,waxayna diyaarinayaan qorshihii dib u dhis loogu sameyn lahaa Xaruntaas.

Sidoo kale dowladda Shiinaha oo horay u dhistay tiyaatarka Qaranka ayaa hadda ku howlan in markale ay dib u dhis ku sameyso si Shaqooyinkii lagu qaban jiray loo ambaqaado.

Maareeyaha Guud ee ee Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure ayaa sheegay in Tiyaatarka Qaranka dhismihiisa uu xariga ka jaray Sanadkii 1967 Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Rashiid Cali Sharmaake,isla markaana ay dhistay dowladda Shiinaha.

Sidoo kale wax uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay labaduba ay balan qaadeen in dib loo dhisayo laguna soo celinayo bilicdii uu lahaa.

Qorsha dib loogu dhisayo Xarunta Murtida iyo madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka ayaa mudo soo socday,waxaana dowladda federaalka ay haatan ku howlan tahay in qorshahaas lagu guuleysto,isla markaana dib loo howlgeliyo tiyaatarka Qaranka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor