Sawirro:-Qodobo kasoo baxay shirka Golaha Amniga Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo maanta shir gudoomiyay kullanka golaha amniga Jubbaland.

Kulankan oo ah mid dhowrkii biloodba mar la qabto waxaa maanta ka qayb galay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo masuuliyiin kale oo kasocday howlgalka AMISOM.

kulankan ayaa lagaga hadlaa xaaladaha amaanka ee heer Dowlad Goboleed xoraynta deeganada iyo qaabaynta howlgalada lagu qaadayo  Al-Shabaab iyo sidii dhamaan dhinacyada ay qusayso ay doorkooda usoo bandhigi lahayeen iyo natiijada isla falgalka dhamaan dhinacyada howlaha amniga kala shaqeeya Jubbaland.

Danjire Francisco Madeira ayaa Jubbaland ku amaanay sida ay uga go’an tahay xasiloonida iyo nabadaynta Soomaaliya iyadoo ay door muuqda kaga jirto dhismaha hanaanka nabadgalyo iyo hormar ee guud ahaan wadanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media