Sawirro:-Qeyb ka mid ah Dhismaha Garoonka Jaamacadaha Muqdisho oo dumay iyo Dad ku dhintay

Waxaa Maanta soo dumay qeyb kamid ah Garoonka kubada Cagta ee Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho,iyadoona uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Dalsan u sheegeen in uu soo dumay derbi ku yaallay qeybta  VIP-da ee Mas’uuliyiinta ay fariistaan,waxaana ku waxyeeloobay dadkii dhismaha ka shaqeeynayay.

Dhismaha soo dumay ayaa waxaa laga soo saaray 2 ruux oo Meyd ah iyo qof dhaawac ah,waxaana gurmad deg deg ah u sameeyay dad shacab ah oo goobta uu falka ka dhacay ka Agdhawaa.

Garoonka kubada Cagta ee Jaamacadaha ayaa waxa uu ku yaallaa degmada Hodan ee Gobolka Banaadir,waxaana todobaadyadan ku socday dib u dhis lagu sameeynaayo Garoonka.

Waa markii labaad ee Garoonka kubada Cagta ee Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho uu sidaan oo kale u soo dumo iyadoo dhismo lagu haayo,hayeeshee xiligaas wax khasaaro ah ma uusan u geysan Shaqaalihii dhisaayay Garoonka.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media