Waxaa weli goobta uu Caawa qaraxa ka dhacay ka socda gurmad loo sameeynayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas,waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas halkaasi ka dhaceysa.
Dhismayaal ganacsi iyo goobo kale ayaa waxaa la sheegaya in uu bur bur xoogan uu soo gaaray,kuwaasi oo sababay qaraxii koowaad ee Caawa ka dhacay inta u dhexeeysa Hotel Maka Al-Mukarama iyo Maqaayad lagu magacaabo Hilaac UK oo ku taalla Wadada Maka Al Mukarama.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyada Caawa ka socda Magaalada Muqdisho.