Sawirro:-Qalab ay soo saartay Warshada Ciidanka Asluubta oo Maanta la wareejiyey

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka iyo Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ka guddoomay qalab xafiiseed loogu talagalay inuu ku shaqeeyo Golaha Murtida iyo Wacyigalinta ee (National Theatre) qalabkaas oo sameyntiisa uu hore u amray Madaxeynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomalaiyeed S/gud Bashiir Maxamed jaamac ayaa sheegay in qalabkan uu wax badan ka badali doono howlaha Tiyaatarka Qaranka, sharaf gaarana ay u tahay in qalabkan ay wareejiyaan iyagoo ka jawaabaya amarkii Madaxweynaha.

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka ayaa bogaadiyay waxsoosaarka Warshada Ciidanka Asluubta oo ay ka hawlgalayaan Maxaabiista kujirta xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo sheegay in dib u howlgalinta Tiyaatarka Qaranka ay muhiimad weyn u leedahay bulshada.

Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure ayaa uga mahadceliyay Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qalabkan ay ku warejiyeen, isagoo xusay in farxad gaara ay u tahay in Madaxweynaha Dalka uu ahmiyad gaar ah siinayo soo nooleynta Tiyaatarka Qaranka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor