Sawirro:-Qaar ka mid ah madaxda Dowlad goboleedyada oo gaarey Kismaayo

Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa goordhow gaaray Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle,iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey.

Garoonka Diyaaradaha Magalada kismaayo waxaa ku soo dhaweeyey Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo mas’uuliyiin kale.

Xarunta Madaxtooyada ayaa goordhow la geeyey,waxana Madaxda maamul Goboleedyada Maalinta berito ah oo Isniin ah uu shir uga furmi doonaa Magaalada Kismaayo kaas oo ay uga hadli doonaan  khilaafka u dhaxeeya Dowladda iyo qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale waxaa kulanka inta uu socdo la filayaa sida aan Wararka ku helnay inay doortaan Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada oo uu hadda guddoomiye ka yahay Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor