Sawirro:-Puntland oo marti galisay Shir looga hadlayo Hirgelinta Dowladaha Hoose

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Waasaradda Arrimaha gudaha, Federalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, Madaxda Wasaaradaha Arrimaha gudaha ee Maamul Gobaleedyada iyo khuburo dhanka Dowladaha hoose iyo dhismaha goleyaasha deegaanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Dowlad goboleedka Puntland C/laahi Cali Xirsi Tima-cadde, ayaa waxuu si kooban u soo qaatay hanaankii ay puntland u soo martay dhismaha Golayaasha deegaanka iyo Dowladaha Hoose.

Waxaa kalmado baraarujin iyo mahad celin ah ka soo jeediyay mas’uulyiintii ka socotay Maamul Gobaleedyada dalka, iyagoona Maamulka Puntland uga mahad celiyay soo dhoweynta iyo aqoon korarsigaan ay u sameysay Maamulada kale ee dalka ka jira.

Madaxdan ayaa lagu wadaa in inta ay joogaan Puntland ay tagi doonaan degmooyin kala duwan oo Puntland ka tirsan,  kuwaasi oo uu ka hirgalay hanaanka Dowladaha hoose.

Hoos Ka Daawo SawirradaSawirro

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media