Sawirro:-Nin Afduubtay Diyaarad ku sii jeeday Dubai oo la dilay

Kumaandooska dalka Bangaladesh waxay toogteen mid ka mid ah Rakaab la socday Diyaarad ku sii jeeday magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka, kaasi oo hubeysnaa, kuna hanjabay inuu qarxinayo Diyaaradda.

Saraakiisha ayaa sheegay inuu Ninkaasi oo ku hubeysnaa Bistoolad uu afduubtay Diyaarad ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha Bangaladesh ee Biman Airlines, taasi oo xilligaasi ka kici lahayd Garoonka Caalamiga ee Shah Amanat International Airport oo ku yaalla Degmadda  Jitagong ee K/bari ee dalkaasi.

Dhamaan Shaqaalihii iyo 142-kii rakaab ee la socotay Diyaaradaasi waa la soo badbaadiyey, iyadoo Afduubaha la dilay u sheegay Duulliyihii inuu doonayo inuu la kulmo Haweeneyda Ra’isul-wasaraaha ka ah Bangaladesh, Sheekha Xasiina.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media