Sawirro:-Mudo 45 Daqiiqo ah Kadib oo lagu guuleestay in la Furo Wadadii uu Caawa qaraxa ka dhacay

Waaxda Nadaafada gobolka Banadir ee dowladda hoose ayaa Caawa waxa ay howlo Nadaafadeed ka bilaabeen Goobtii uu Caawa qaraxa Gaari ka dhacay ee Agagaarka Isbitaalka Daaru-Shifaa ee Magaalada Muqdisho.

Wadada ayaa mudo Saacad u dhow u xirantay burburka Gawaarida iyo qaar ka mid ah Goobaha Ganacsi ee ku yaala Goobta uu qaraxa ka dhacay,waxaana hakad ku jiray isu socodka Gaadiidka.

Mudo 45,Daqiiqo kadib Waaxda Nadaafada gobolka Banadir ee dowladda hoose ayaa waxa ay ku guuleesteen in ay goobtii Nadiifiyaan islamarkaana dadka iyo Gaadiidka  ay si caadi ah u isticmaalaan.

Hoos Ka Daawo Sawirrada sida ay Goobta noqotay iyo sida durba laga dhigay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media