HomeWararSawirro:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ku Ridday Rag Ka Tirsan Daacish

Sawirro:-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Oo Xukun Ku Ridday Rag Ka Tirsan Daacish

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Maxkamadda Derejada koobaad ee Dalka ayaa Maanta xukuntay eedeysanayaal ka tirsanaa Kooxda Daacish kuwaas oo kala ah. Mahad Max’ud Cabdi oo Magacyadiisa Af-garashada yihiin (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr,raage)  ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen Hogaamiyeyaasha kooxda Daacish. Mahad Max’ud Cabdi  ayaa isaga dadaal ugu jiray […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Derejada koobaad ee Dalka ayaa Maanta xukuntay eedeysanayaal ka tirsanaa Kooxda Daacish kuwaas oo kala ah.

Mahad Max’ud Cabdi oo Magacyadiisa Af-garashada yihiin (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Max’ed Daa’uud Daahir Warsame  oo isagana loo yaqaanno  (Dr,raage)  ayaa loo heystaa in ay ka mid ahaayeen Hogaamiyeyaasha kooxda Daacish.

- Advertisement -

Mahad Max’ud Cabdi  ayaa isaga dadaal ugu jiray sidii uu aas-aasi lahaa koox kale oo Daacish ah  kuwaasi oo ka madax banaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin.

Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu soomaaliya ku soo gaari lahaa, waxa uuna heysta dhalashada Ruushka oo uu muddo ku maqnaa waddankaas, waxa uu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa waddanka Syria,  isagoo ugu dambeyn ku biiray  kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeyo balse mar dambe oo ay is qabteen Taliyaha kooxda Daacish   ayuu  go’aansaday in uuu aas-aaso koox kale.

Wax yaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mid ah warqad uu u qoray Hogaamiyaha ugu sarreeyo kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan Taliye Cabduqaadir Muumin, wax yaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-

- Advertisement -

Hoggaan xumida hoggaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.

Max’d Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay  (Dr,raage)  ayaa isna lagu eedeeyay in uu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale  ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa cadeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mid ahaa Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirakidihii uu ka isticmaali jiray Lacagaha.

Farsoomyinka ay ka mid yihiin kala badalidda xawaaladaha, Sameynta akoonno kala duwan oo loo  sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha in uu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.

Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganto  qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha  ayaa  maxkamadda ka hor sheegay  in aysan wakiiladooda   diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka  laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay Hogaamiyeyaashan.

Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida  G/sare  Xasan Cali Nuur Shuute ayaa  soo xiray fadhiga Maxkamadda, waxa uuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts