Sawirro:-Maxaa looga hadlay Shirarka tubaha Dhaqaalaha iyo amniga?

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirarka tubaha horumarinta dhaqaalaha iyo amniga iyo caddaaladda oo looga hadlay sameynta Hay’adda Maal-gelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe iyo heerka ay marayso Diiwaan-gelinta Ciidamada qalabka sida.

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa tubta horumarinta caddaaladda iyo amniga waxa ay kusoo bandhigtay warbixin ay ka diyaarisay samaynta Hay’adda Maalgelinta Ganacsiga yaryar iyo Kuwa Dhexe.

Dhanka kale, shirka tubta amniga iyo caddaalada ayey wasaaradda maaliyaddu kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay marayso diiwaan-gelinta ciidamada qalabka sida (Biometric registration).

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa hay’adaha iyo wasaaradaha halbeegyada ku leh tubaha waxa uu faray in Ey laba jibbaaraan dadaallada ay fulinayaan ballan qaadyadii ay sameeyeen sannadkaan bilaawgiisii, si loogu guulaysto gaarista himilooyinka tubaha qaranka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media