• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, June 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sawirro:-Maxaa looga hadlay Kulan dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Bilan Media by Bilan Media
February 24, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Danjiraha Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya Ambassador Andreas Von Vexkull iyo wefti ballraan oo uu hogaaminayey.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiiru dowlaha Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Kulankan uu Madaxweynaha Puntland laqaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya, oo ay qayb ka ahaayeen madax ka socotay Hay’adda Diakonia oo uu hogaaminayey Xog-hayaha Guud ee Diakonia Mr. Georg Andren iyo Madaxa Africa ee Diakonia Johan Romera ayaa looga hadlay mashaaricda ay ka fuliso Dowladda Sweden Puntland oo ay fududeeyaan Hay’addaha Qaramada Midoobey, sida barnaamijyada caafimaadka, horumarinta haweenka iyo Horumarinta Ganacsiga

Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan gaara oo ay yeesheen kadib shir jaraa’iidka oo ay qabteen kaga hadlay arrimaha muhiim ka ah ee ay ka wadahadleen,

Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo dhaweeyey waftiga Puntland, waxaana uu hay’adda Diakonia ugu hambalyeeyey 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay ka shaqo bilowday Puntland.

“Waxaa farxad weyn noo ah inaan ku soo dhaweyno Puntland safiirka dalka Swedan iyo hay’adda Diakonia oo booqasho halkaan noogu yimid, in safiirku nagala soo qayb galo iyo Madaxda Diakonia dabaaldegga 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii ugu horeeyey ee Diakonia laga furey Puntland, runtii taariikh weyn bey ku leedahay Puntland waxbadan bay kasoo qayb qaadatay waxbrashada dhalinyarada, Haweenka, Caruurta iyo mashaariicda horumarinta ee inta badan ku salaysnaa dib u hishiisiinta iyo dib u dhiska Puntland.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani ayaa dalka Sweden iyo hay’adda Diakonia uga mahadnaqay garab is taagga ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu si dhaw ula shaqaydoono safiirka iyo saraakiishan hay’adda Diakonia.

“Waxaan uga mahadcelinayaa madaxda Diakonia iyo Dalka Sweden mudadii dheereyd ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ay garab taagnaayeen, waxaana u balan qaadaynaa in aan si dhow ula shaqayn doono, marxaladda soo socotana waxaan ka fileynaa dalka Sweden in aysan ku ekaan dhinaca gargaarka oo keliya ee ay ganacsatada iyo shirkadaha dalka Sweden ay u yimaadaan maalgashi dalka”. ayuu yiri Madxweyne Deni

Safiirka Sweden ayaa Puntland uga mahadceliyey wada shaqaynta wanaagsan ee kala dhaxaysa Puntland iyo dawladda Sweden, sidoo kalena waxa uu Puntland iyo shacabkeedaba ugu hambalyeeyey horumarka baaxadda leh ee ka jira dalka, wuxuu uu bogaadiyey guushii Madaxweynaha ee 08 Janaayo 2019, safiirka ayaa hambalyo u direy Hay’adda Diakonia oo ay u buuxsantay 25 sano guuradii markii ay ka shaqo bilowday Puntland, waxaana uu ugu dambayn safiirku gudoonsiiyey Madaxweyne Deni hadiyad gaara oo ay ku maamuuseen.

Previous Post

(Warbixin) Inta badan Hoggaamiyeyaasha Dowladaha Carabta iyo kuwa EU-da oo Shirweyne ku leh Sharma Sheekh

Next Post

Xisbiga uu hogaamiyo Xasan Sheekh oo baaq deg deg ah u diray Laamaha amniga Dowlada

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Next Post

Xisbiga uu hogaamiyo Xasan Sheekh oo baaq deg deg ah u diray Laamaha amniga Dowlada

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Shirkii wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib u dhacay, inkasta oo lagu...

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Weerar gantaallo culus ah oo ay Iran saaka ku qaaday gudaha Israa’iil ayaa si weyn u dhaawacay xarunta cilmi-baarista ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe wado si loo xalliyo khilaafaadka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Cumaan, Cumar Badr Albusaidi, oo ka mid ah masuuliyiinta dhexdhexaadinta wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya...

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security
English News

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference
English News

Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
  • Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00