Dhageyso:-Masuuliyiin ka qeyb gashay Salaadii Janaasada ee Marxuum Nabadoon Axmed Diiriye+Sawirro

Masuuliyiin uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ka qeyb gashay Salaadii Janaasada oo Masjidka Isbaheysiga Islaamka lagula dukaday Allaha u Naxariistee Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo habeen ka hor ku geeriyooday Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Salaada Janaasada ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Wasiirka Amniga, Xildhibaano,Odayasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulsahda

Meydka Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa loo qaaday Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo lagu aasi doono maadaama inta uusan geeriyoon ka hor uu ku dardaarmay in lagu aaso.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi Soomaalinimada ku weyn tahay isla markaana waqtigiisa ugu badan geliyay dhanka Nabadda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intaasi kadib u Magacaabay Guddi Wasiiro ah oo ka qeyb qaatay tacsida Nabadoonka iyo waxayabaha kale ee looga baahan yahay.

Dhinaca kale Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada aaska Marxuum Axmed diiriye Cali,iyada oo Cadaado uu ku soo wajahan yahay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Hoos Ka Dhageyso Codadka Nabadoonadii ka qeyb galay iyo Sawirada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media